Wararka Maanta ee Gudaha Soomaaliya
Hordhac
Maanta oo ay taariikhdu tahay, 28-ka Luulyo 2024, gudaha Soomaaliya waxaa ka dhacaya dhacdooyin kala duwan oo isugu jira kuwada dabiiciya iyo kuwa caadi ah. Wararka ugu waaweyn waxaa ka mid ah doorashada baarlamaanka federaalka, xaaladda amniga ee Muqdisho, iyo dadaallada kor loogu qaadayo guud ahaan dalka. Wararkaan ayaa ah kuwo muhiim u ah fahamka xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo horumarka laga gaarayo dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo bini’aadantinimada.
Magaalada Muqdisho ayaa maanta shir gudoominaysa doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka ee dalka Soomaaliya. Doorashadan ayaa waxaa isha ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, iyadoo ay tartan adag ugu jiraan musharraxiin ay ka mid yihiin Xasan Cabdi Nuur iyo Maxamed Axmed Cali. Labadan musharrax ayaa helay taageero xooggan oo ka timid xildhibaanada cusub ee dhawaan la soo doortay, kuwaas oo ku tartamaya inay qabtaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka sannadkan. Xasan Cabdi Nuur oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha, ayaa ah siyaasi awoodle oo lagu yaqaan dedaalka uu ugu jiro horumarinta cadaaladda iyo dowladnimada iyo qaran dhiska. Maxamed Axmed Cali, oo isna ah aqoonyahan siyaasadeed, ayaa ballanqaaday inuu sare u qaadi doono habsamida shaqada baarlamaanka, isagoo diiradda saari doona sharci dejinta iyo kormeerka howlaha dowladda.
Tartankan Doorasho ayaa la filayaa inay saameyn weyn ku yeelato siyaasadda golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay tahay mid go’aamin karta mustaqbalka dhow ee dalka. Shacabka soomaaliyeed ayaa rajo ka qaba in baarlamaanka cusub uu noqon doono mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka soomaaliyueed, islamarkaana uu ka shaqeeyo xasilinta iyo horumarinta dalka. Waxa soo baxaaya warar sheegaya in in dawladu ay rabto inuu soo baxo ninka la yidhaah csbdi nuur, Waayo waa nin ay dawlada hada talada haysaa ay u aragto inuu noqon karo gudoomiyaha hayn kara shaqadan baarlamaanka dalka.
Xaaladda Amniga Muqdisho
Magaalada Muqdisho, ayaa saakawaxa ka dhacday shir looga arin sanaayey ammaanka dalka , Shirkan oo dhinacyo badan taabanaayey aya waxa sii qoto dheer loogu darsay sdii loo xakamayn lahaa mukhaadaraadka iyo qaraxyada ay gaysanayaan kopoxda All-shabaab si loo hello xasilooni waarta. Maanta waxa shirkani shir gudoominaayay md, Xassan Sheekh madaxwaynaha dalka soomaaliya waxa uu si dhaw iyo fogba ula hadlay dhamaan haayadaha ammaanka ee dalka oo kaashanaaya ciidamada amaanka, Waxa uu kula taliyaay inay shaqadan ammaanka ay tahay mida ka dhigi karta dalka mid rajo leh hadii kale ay dawladu sidan uun usii burbursanaan doonto, MD, XASSAN SHEEKH, ayaa waxa maanta wada qaateen ciidamada amaanka dalka soomaaliya shir aad muhiim u ahaa waxa la sheegay in shirka uu kusoo dhamaaday is afgarad fiican oo lagu adkayn doono ammaanka dalka soomaaliya.
Madaxweynaha Dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay shaqada ay hayaan , ciidamada amaanka isagoo ballanqaaday in dowladdu ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay qabtaan xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weeraro kale oo argagixiso.
Abaaraha Ka Jira Koonfurta Soomaaliya
Gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa wajahaya abaar daran oo saameysay nolosha dad badan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda bini’aadanimo ay sii xumaaneyso, ee koonfurtan soomaaliya iyadoo ay jiraan caruur badan oo nafaqo-darro la il-daran. Hay'adda cunnada adduunka (WFP) ayaa bilowday qorshe gargaar ah oo deg-deg ah si loo caawiyo dadka ay saameeyeen abaarta iyo colaaduha baahsani. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee caalamiga ah, iyadoo u mahadcelisay hay’adaha iyo dalalka ka qeybqaadanaya gurmadka.
Sida ay shaaciyeen haaydaha gurmadku, Abaaraha ayaa waxaa sabab u ah isbedelka cimilada iyo roob la’aanta soo noqnoqotay, taasoo keentay in dad badan ay waayaan xoolahoodii iyo dalaggoodii. Deegaannada ugu daran ee ay abaartu saameysay waxaa ka mid ah gobollada Shabeelooyinka sida Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe. Dadka ku nool deegaannadan ayaa u baahan gargaar degdeg ah, oo ay ka mid yihiin guryo, cunto, biyo, iyo adeegyo caafimaad si wax looga qabto arimaha abaaraha e soo noqnoqday.
Hay’adaha u xilsaaran arimaha gargaarka ayaa sidoo kale ku baaqay in la fududeeyo marinada gargaarka bini’aadanimo si dhakhsiyo ah, iyadoo loo baahan yahay in la adkeeyo amniga waddooyinka iyo meelaha ay dadka ku barakaceen. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, ay suurtogal tahay in xaaladduhu ay ka sii daraan, taasoo keeni karta macluul ba’an gaajo, iyo dhimasho aad u badan .
Xaaladda Siyaasadeed iyo Dhaqaalaha
Dhinaca kale, siyaasadda gudaha Soomaaliya ayaa ah mid isku dhexyaacsan 30-kii sanno ee u danbeeyay, iyadoo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay saameyn ku yeesheen hannaanka maamul ee dalka soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay wada hadal iyo is afgarad, si loo xalliyo khilaafaadka ka jira gobolada soomaaliya, loona gaaro heshiisyo siyaasadeed oo waara.
Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa weli ah mid hoos u dhacsan, iyadoo dalkaa uu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii soo maray iyo burburkii dhaqaale ee uu la daalaa dhacayay tobanaan sano. Dowladda federaalka ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo diiradda saareysa maalgashiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ganacsiga iyo wax-soo-saarka gudaha. Bangiga Adduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa door muhiim ah ka qaadanaya taageeridda mashaariicda horumarineed ee dalka, iyadoo la hirgelinayo qorshayaal lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalka.
Gebogebo
Maanta oo ah 28 Luulyo 2024, wararka gudaha Soomaaliya waxay muujinayaan xaalado kala duwan oo dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo bini’aadantinimada. Doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka ayaa ah dhacdo weyn oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka soomaaliya, halka xaaladda amniga ee Muqdisho iyo abaarta ka jirta koonfurta Soomaaliya ay weli yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira rajo iyo dadaal ballaaran oo lagu horumarinayo nolosha dadka soomaaliyeed, iyadoo dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay ka shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa horumar waara iyo nabad ku soo dabaalidda dalka.
Waxaa soo diyaariyay: [SAKARIYE]
SahanNews

Post a Comment
0Comments