Wararka Guud Ee Dalka Soomaaliya
Wararka ugu waaweyn ayaa diiradda saaraya doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka, soomaaliya xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho, iyo abaaraha ka jira koonfurta dalka.
Magaalo madaxda Soomalliya ayaa maanta martigelinaysa doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Doorashadan ayaa waxaa isha ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, iyadoo ay tartan adag ugu jiraan musharraxiin kala ah Xasan Cabdi Nuur iyo Maxamed Axmed Cali. Labadan musharrax ayaa helay taageero xooggan oo ka timid xildhibaanada cusub ee dhawaan la doortay, kuwaas oo ku tartamaya inay qabtaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka. Xasan Cabdi Nuur oo horay u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha dalka soomaaliya, ayaa ah siyaasi caan ah oo lagu yaqaan dedaalka uu ugu jiro horumarinta cadaaladda iyo dowladnimada. Maxamed Axmed Cali, oo isna ah aqoonyahan siyaasadeed, ayaa ballanqaaday arimo badan inuu sare u qaadi doono oo ay ka mid yihiin shaqada baarlamaanka, isagoo diiradda saari doona sharci dejinta iyo kormeerka howlaha guud ee daawlada.
Waxa la filayaa in doorashadani ay saameyn weyn ku yeelato siyaasadda Soomaaliya, iyadoo ay tahay mid go’aamin karta mustaqbalka dhow ee dalka. Dadka Soomaaliyeed ayaa rajo ka qaba in baarlamaanka cusub uu noqdo mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka, islamarkaana uu ka shaqeeyo xasilinta iyo horumarinta guud ee dalka soomaaliya.
Dhanka kale, Gobollada koonfureed ee Soomaaliya ayaa wajahaya abaar daran oo saameysay nolosha qoysas badan ee koonfurta soomaaliya. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda bini’aadanimo ay sii xumaaneyso, iyadoo ay jiraan caruur badan oo nafaqo-darro la il-daran. Hay'adda cunnada adduunka u qaabilsan aduunka ee (WFP) ayaa bilowday qorshe gargaar oo deg-deg ah si loo caawiyo dadka ay saameeyeen abaarta iyo colaaduhu. Dowladda Soomaaliya awaxa ay ku dhawaaqday in la kordhiyo dadaalada loogu jiro gargaarada iyo caawinta dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo u mahadcelisay hay’adaha iyo dalalka ka qeybqaadanaya gurmadka.
Abaaraha soo noqnoqda ayaa waxaa sabab u ah isbedelka cimilada iyo roob la’aanta soo noqnoqotay, taasoo keentay in dad badan ay waayaan xoolahoodii iyo dalagyadoodii. Deegaannada ay abaaruhu sida xun u saameeyeen ayaa wazxa ka mida ah gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe. Dhamaan dadka ku nool deegaannadan ayaa u baahan gargaar degdeg ah oo bini aadan-nimo, oo ay ka mid yihiin cunto, biyo, iyo adeegyo caafimaad si dadku u hellaan nonlol.
Hayada gargaarka ayaa sidoo kale ku baaqday in la fududeeyo marinada loo mariyo gargaarka bini’aadanimo, iyadoo loo baahan yahay in la adkeeyo amniga waddooyinka iyo meelaha lasoo marinaayo adeega. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin, ay suurtogal tahay in xaaladdu ay ka sii darto, taasoo keeni karta macluul ba’an iyo dhimasho aad u badan marka waa in laga hortagaa si degdega.
Dhinaca kale, siyaasadda gudaha Soomaaliya ayaa ah mid aan deganayn, waxa hadheeyay khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka ay saameyn ku yeesheen hannaan maamulka dalka. Madaxweynaha Soomaaliya, MD, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay wada hadal iyo is afgarad in laga gaadho, si loo xalliyo khilaafaadka jira, loona gaaro heshiisyo siyaasadeed oo waara mustaqbalka.
Dhaqaalaha Dalka Soomaaliya
Dhaqaalaha dalka Soomaaliya ayaan deganayn ama ah mid aad u hooseeya , inkastoo dalkaa uu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii soo maray iyo burburadii dhaqaale ee uu la daalanaa soddonkii sanno ee u danbeeyay, Dowladda federaalka ah ayaa dadaal ugu jirta sidii loogu horumarin lahaa dhaqaalaha, iyadoo diiradda la saareysa maalgashiga, horumarinta dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ganacsiga iyo wax-soo-saarka gudaha. Bangiga Adduunka iyo hay’ado kale oo caalami ah ayaa kaalin weyn ka qaadanaya taageeridda mashaariicda horumarineed ee dalka soomaaliya, iyadoo la hirgelinayo qorshayaal lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo shaqo abuurka waxa ay dawladu hada wadaa dadaalo ay ku doonaysop inay ku hru mariso dhaqaalaha, waxbarashada, amaanka iyo xasilinta.
Maanta oo ay taariikhda tahay 28 Luulyo 2024, wararka aan ka hayno gudaha dalka Soomaaliya waxay ugu muhiimsan arimaha ay ka midka yihiin siyaasadda, amniga, iyo bini’aadantinimada. Doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka ayaa ah dhacdo weyn oo saameyn ku yeelan doonta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliaya, halka xaaladda amniga ee Muqdisho iyo abaarta ka jirta dhulka koonfureed Soomaaliya ay weli yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ka jira dowladda iyo shacabka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira rajo iyo dadaal ballaaran oo lagu horumarinayo nolosha shacabka soomaalyeed, iyadoo dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay ka garabsiiyaan ama shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa horumar waara iyo nabad ku soo dabaalidda dalka soomaal.

Post a Comment
0Comments