Dagaalka adag ee u dhaxaysa Falastiin iyo Israel ayaa mar kale cirka isku shareertay, iyadoo rabshado iyo duqeymo xooggan ay ka socdaan gudaha Qaza, Daanta Galbeed, iyo gudaha Israel. Xiisaddan cusub ee u dhexeysa labada dhinac ayaa keenaysa cabsi cusub iyo welwel weyn oo ku saabsan xaaladda bini'aadantinimo iyo nabadda gobolka. warkeenani wuxuu bixinayaa aragti guud iyo faahfaahin qoto dheer oo ku saabsan xaaladda maanta ee Falastiin iyo Israel, isagoo eegaya sababaha, saameynta, iyo rajada mustaqbalka.
Duqeymaha Gantaalada iyo Weerarrada Cirka
Rabshadaha iyo Duqaymaha ka socda Qaza iyo Daanta Galbeed ayaa sababay barakac ballaaran oo dadka rayidka ah ee ree falastiin, iyagoo raadinaya meel ammaan ah. Goobaha caafimaadka, iskuulada, iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa sidoo kale la burburiyay, taasoo ka sii dartay xaaladda nololeed ee dadka shacabka ah ree falastin.
Hayadaha bini'aadantinimo ee caalamiga ayaa isku dayaya inay gargaar si degdeg ah gaarsiiyaan dadka ku dhibaataysan Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto. Gargaarka bini'aadantinimo wuxuu u baahan yahay qorsheyn iyo hawlgalin aad u ballaaran waayo waxa xidhan wadooyinkii la soo marin lahaa, waxa lasoo gudbin karaa iyadoo la adeegsanayo xeelado kala duwan si loo hubiyo in gargaar degdeg ah lagu gaarsiiyo dadka ay saameeyeen dagaalada. Dadka ree qasa waxaa loo baahan yahay in la siiyo raashin, daawooyinka, iyo agabka kale ee muhiimka ah, iyadoo loo marayo wadooyin ammaan ah si loo caawiyo dadka ku dhibaataysan goobaha colaadda.
Barakaca iyo Burburka
Baro kac aad u badan ayaa ka dhashay mudadii uu socday dagaalka u dhexeeya labada dhinac dadka waxa ay ka baro kaceen duqaymaha Israel, Duqeymaha iyo rabshadaha ka socda Qaza iyo Daanta Galbeed ayaa sababay barakac ballaaran oo dadka rayidka ah, iyagoo raadinaya goobo ammaan ah. Goobaha caafimaadka, iskuulada, iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa sidoo kale la burburiyay, taasoo ka sii dartay xaaladda nololeed ee dadka shacabka ah ee ree falastiin.
Hay'adaha gargaarka bini'aadantinimo ee caalamiga ah ayaa isku dayaya inay gargaar degdeg ah gaarsiiyaan dadka ku dhibaataysan Qaza iyo Daanta Galbeed. Raashinka, daawooyinka, iyo agabka kale ee muhiimka ah ayaa loo baahan yahay si loo caawiyo dadka ay saameeyeen dagaalada.
Dhanka kale, Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in la joojiyo colaadda iyo in wadaxaajood la sameeyo si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya Falastiin iyo Israel. Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo dalalka Carabta ayaa wada dadaallo diblomaasiyadeed si loo dejiyo xiisadda ka taagan falastin iyo in la gaadho xal waara mustaqbalka, Dagaalka ayaa wali u socda si aan kala joogsi lahayn iyadoon dhag jalaq loo siin dhawaaqyada kasoo baxaya beesha caalamka.
Doorashada Israel
Doorashooyinka dhawaan ka dhacay Israel ayaa sidoo kale saameyn ku leh xaaladda ka taagan gobolka. Xisbiga talada haya ee Israel ayaa wajahaya cadaadis gudaha ah iyo mid caalami ah oo ku saabsan sida loo maareeyo xiisadaha cusub. Wadahadalada nabadda iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ayaa ah kuwo muhiim ah, hase yeeshee waxaa jira caqabado badan oo hortaagan arinkaasi, si kastaba ha ahaatee lama hayo rajo cad oo lagu joojinaayo dagaalada ka socda falastiin kuwaasi oo aad u sii xoogay sanaya maalinba maalinka ka sii dambeeya, dagaalkani waxa uu marayaa meel xasaasi ah oo ay si maalinle ah ay isku wajahaan labada dhinac, ururka xamaas ayaa sheegay hadii la doonaayo xabad joojin dhab ah ay jirto ay jojin doonaan dhanka kale iyaguna sidaasay ku an dacoonayaan si lamida.
Dagaalada iyo rabshadaha ayaa saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha labada dhinac. Ganacsiga, dalxiiska, iyo maalgashiga ayaa hoos u dhacay markii dagaalku qarxay, iyadoo ganacsiyo badan la burburiyay ama albaabada loo laabay. Qasaaraha dhaqaale ayaa noqon kara mid aad u baaxad weyn haddii xiisaduhu sadan ku sii socdaan. Dalalka iyo hay'adaha caalamiga ah ayaa isku dayaya inay taageero dhaqaale siiyaan dadka ay dagaalladu saameeyeen. Taageerada ay wadaan beesha caalamku ayaa waxa ka mida inay gaadhsiiyaan deeqo isugu jira raashib, biyo, agab caafimaad iyo daawooyin. Gargaarka dhaqaale ayaa muhiim u ah dib-u-dhiska goobaha burburtay iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Wada Xaajoodka
"In kasta oo xaaladda hadda ayna suuro gal ahyn in la wada xaajoodaa Falastiin iyo Israel ay tahay mid aad u adag, haddana waxaa jira rajo ah in wadaxaajood iyo dadaallo nabadeed lagu xallin karo khilaafka. Beesha caalamka iyo dhinacyada ay khusayso ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu gaaro heshiis nabadeed oo waara, kaasoo ku salaysan cadaalad iyo wada noolaansho"
Jiilasha dambe ee Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiinta ayaa noqon kara furaha nabadda iyo xasiloonida gobolka hadii ay joojiyaan dagaalka ku fidaaya gobolka. Waxa dib usoo noqon kara xasiloonida ay ku naaloon doonaan dadka reer falastin iyo ree Israelba waxa ay noqn doonaan dad is dhex gala oo si amaana u kala adeegta waxbarashada isdhexgalka bulshada, iyo wada shaqaynta ayaa ah kuwo muhiim ah oo lagu xallin karo dhibaatooyinka taagan.
Dagaalka u dhexeeya Falastiin iyo Israel waa mid aad u adag oo saameyn weyn ku leh gobolka iyo beesha caalamka. In kasta oo ay jiraan caqabado badan, haddana wadaxaajoodka nabadda iyo dadaallada bini'aadantinimo ayaa noqon kara kuwo muhiim ah oo lagu xallin karo khilaafka ka taagan labada dhinac. Rajada mustaqbalka ee nabadda iyo wada noolaanshaha ayaa ku xiran dadaalka iyo wada shaqaynta dhinacyada oo dhan waxaana muhiimad saara wadamo ay ka mid yihiin qatar iyo maraykanka, inkastoyna waxba si rasmi ah uga qabanin wali hadana sida wararku sheegayaan waxa ay ku jiraan dadaalo lagu wada hadalsiinaayo labada dhinac.

Post a Comment
0Comments