Dilkii Lagu Khaarijiyey Madaxii Hawl-galiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya oo Ka Dhacay Dalka Iran

Amaano
By -
0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka July 2024, war ka imanaya dalka Iran ayaa sheegaya in lagu dilay madaxii hawl-galiyaha Xamaas, Ismaaciil Haniya. Dilkan ayaa ka dhacay caasimadda Tehran, wuxuuna ahaa mid si weyn u gilgilay guud ahaan gobolka iyo caalamka. Ismaaciil Haniya, oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha ugu caansan Xamaas ee ay ku taami jirtay, ayaa lagu yaqaanay door weyn oo uu ku lahaa dagaalka ka dhanka ah Israel, iyo isku dayga uu ku doonayay inuu xoreeyo oo uu mideeyo Falastiin.




 Faahfaahinta Dilka

Warar kala duwan oo ku sahabsan dilka Ismacil ayaa kasoo baxaya sida uu dilkani u dhacay, balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay xaafad ku taalla bariga Tehran. Weerarka ayaa la fuliyey iyadoo la adeegsanayo baabuur ah nooca qarxa, ka dibna waxaa ku xigtay rasaas oodda looga qaaday Haniya. Waxaa la rumeysan yahay in weerarkaasi uu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey, oo ay fulisay koox si fiican u tababaran.

Warar xogo gaal ah ayaa sheegaya in Goob-joogayaal ayaa sheegeen in ciidammada amniga Iran ay durba soo gaareen goobta weerarku ka dhacay, isla markaana ay xireen dhammaan waddooyinka soo gala aagga dilka ka dhacay. Lama oga weli cidda ka dambeysa weerarkan, hase yeeshee shaki weyn ayaa la galinayaa inay ka dambeeyeen teamka ama kooxaha sida dhow ula shaqeeya Israel, oo marar badan lagu eedeeyay inay fulin jireen weerarro noocan ah oo kale ah.

Waxa uu abuuray dilkani saameyn siyaasadeed oo baaxad leh, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Iran iyo Xamaas. Iran, oo ah taageere weyn oo dhaqaalaha iyo hubka siisa ururka Xamaas, ayaa si kulul uga cadhootay una cambaaraysay dilkani. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa ku tilmaamay weerarkan "fal argagixiso" oo uu ku eedeeyay Israel inay ku lug leedahay.

Dhanka kale,, Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay inaysan marnaba ka baaqsan doonin halgankooda una aari doonaan halyeeygii ka baxay, iyagoo tilmaamay inay sii xoojin doonaan dagaalkooda ka dhanka ah Israel. Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in dilkan uu keeno weerarro aargoosi ah oo dhexmara Xamaas iyo Israel, taasoo xaaladda gobolka ka sii dari doonta.

Faalada Beesha Caalamka

Dawladaha reer galbeedka iyo kuwa carabta ayaa iyaguna si dhow ula socda dhacdadani aadka u xun. Dawladda Mareykanka ayaa ku baaqday in la dejiyo xiisadda, iyadoo ka digtay in falalka aargoosiga ahi ay sababi karaan dagaal cusub oo ka dhex qarxa Bariga Dhexe siina xumayn doona xaalka bariga dhexe oo dhan, waxa dhici karta in ay xamaas bilaw weeraro cadhaysan oo aay ku aar gudanayso si beegsi leh.


Dilkani Ismaaciil Haniya, oo ahaa madaxii hawl-galiyaha uruka Xamaas, ayaa dhaliyey buuq iyo argagax caalami ah. Dawladda Iran ayaa si kulul u cambaaraysay dilkan, iyadoo ku eedaysay Israel inay ka dambeyso. Iran waxay ku tilmaantay weerarka mid argagixiso ah oo loola jeedo in lagu wiiqo halganka Falastiiniyiinta. Ururka Xamaas ayaa iyaduna ka dhawaajisay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Israel, iyadoo ballanqaaday inay aargudan doonaan hogaamihoodii saaka la dilay.

Dalka Mareykanka ayaa ku baaqay in la dejiyo xiisadda oo la sameeyo baadhitaan, isagoo ka digay in falalka aargoosiga ahi ay sababi karaan dagaal cusub oo ka dhex qarxa Bariga Dhexe. Dalalka Carabta ayaa isugu yimid kulan degdeg ah oo ay ku qiimeynayaan xaaladda, iyagoo ugu baaqay in cadaalad la helo oo wax laga qabto dhibaatooyinka ka jira gobolka bariga dhexe.

Dawladaha Reer Yurub ayaa iyaguna ku baaqay in nabadda la dhowro inta ay jirto xaaladani, iyagoo muujiyay walaac ay ka qabaan saameynta dagaal hor leh uu ku yeelan karo caalamka intiisa kale. Falcelinnadaas ayaa muujinaya sida ay dunidu si dhow ula socoto xaaladda ka sii dareysa ee Bariga Dhexe sanadkani.

Khaarijinta Ismaaciil Haniya ayaa ah mid ka mid ah dhacdooyinka ugu cuslaa ee ka dhacay Bariga Dhexe saamayndoon tana xiisadii ka taagnayd dagaalka xamaas iyo Israel ee sanadkan. Xaaladda Iran ayaa hadda ah mid kacsan, iyadoo la filayo in maalmihii soo socda ay sii xoogaysato xiisadda u dhexeysa Israel iyo Xamaas, oo laga yaabo inay ku fido guud ahaan gobolka waayo hadiiba iran uu ka dhacay dilkani xaaladu ma sahlana. Bulshada caalamka ayaa si dhow u eegaysa xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in dagaallo hor leh ay ka dhex bilowdaan kooxaha islaamiga ah iyo Israel.

"Warar dheeraad ah oo ku saabsan dhacdadan, iyo saamaynta ay ku yeelan karto gobolka iyo caalamka, ayaan idin soo gudbin doonaa mar kasta oo ay nasoo gaaraan."

Post a Comment

0Comments

Please Select Embedded Mode To show the Comment System.*