WARARKA MAANTA SOOMAALIYA

Amaano
By -
0

Soomaaliya waxaa ka dhacay dhacdooyin kala duwan oo muhim ah, kuwaas oo isugu jiray siyaasadda, arimaha amaanka, iyo arrimaha bulshada warkani waxa uu faahfaahinayaa wararkii ugu muhiimsanaa ee ka dhacay gudaha dalka, iyada oo la soo bandhigayo warbixinno qotodheer iyo macluumaadyo badan oo faahfaahsan.

Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

Shalay, Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qarax xooggan oo gilgilay xaafadda Maka Al-Mukarama. Qaraxan ayaa la sheegay inu ahaa mid loo adeegsaday nooc gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kaas oo lagu weeraray bar-kontorool oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarama. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Qaraxan ayaa sidoo kale burburiyay dhismayaal dhowr ah iyo baabuur la dhigey agagaarka goobta qaraxa ka dhacay.

Mas'uuliyadda qaraxan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab oo marar badan weeraro ka geystay caasimadda iyo gobollooyinka kale ee dalka. Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada ammaanka ay wadeen howlgallo ballaaran oo ka dhan ah oo ay rabaan inay kaga hortagaan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu doonayo in lagu gaaguun tirro kooxda xag-jirka ah ee all-shabaab in kastooy ay wali leeyihiin awood badan hadana sida ay sheegayaan ciidamada ammaanka ee dalka somaliya inay ka guulaysan-doonaan kooxda all-shabaab.

Shirr looga hadlaayo amniga oo ka dhacay magaalada muqdisho kaas oo daaranaa, gargaar lagu samata-bixinaayay dad ku go'doonsanaa wabiga shabeelle

Waxaa kale ooh magaalada Muqdisho ka dhacayy shir ballaaran oo looga hadlayay amniga guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida dalka. 

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay mas'uuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee soomaaliya, saraakiil ka socotay hay'adaha amaanka, iyo wakiillo ka socday beesha caalamkaba. Waxaa lagu falanqeeyay xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan weerarada Al-Shabaab ay gaysato iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada ka jirta dalka.

Madaxda shirka ayaa ku heshiiyay in kor loo qaado ama la dardar-geliyo qorshayaasha ammaanka dalka somaliya, iyadoo la adkeynaayo wada-shaqeynta ciidamada iyo sirdoonka. Soo kale, waxaa la isla qaatay in la xoojiyo tababarada iyo qalabaynta ciidamada si ay awood ugu yeeshaan inay la ka hortagaan khataraha amni ee soo aadka ugu soo badanaya dalka gaar ahaan all-shabaabka.

Dhinaca kale, degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa shalay lagu guuleystay oo laga soo badbaadiyay dad badan oo ku go'doonsanaa fatahaadda ka dhashay webiga Shabeelle. Fatahaadda webiga oo bilooyinkii u dambeeyay sii kordhayay ayaa sababtay in dad badan ay ka barakacaan goobahay daganaaueen iyo guryahooda, iyaga oola  daalaa-dhacaya biyaha iyo xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadda wabiga shabbeelle.

Gurmadka ayaa waxaa ka qaybqaatay ciidamada ciidamada ammaanka iyo booliska badda iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya si wada jir ah. Waxaa lagu guuleystay in la badbaadiyo dad badan oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kuwaas oo loo wareejiyay goobaha laaamaha iyo wasaaradaha u xil saaran  dadka ka barakacay fatahaadda wabiyada. Hay'adaha gargaarka ayaa sidoo kale bixiyay taageero isugu jirta cunno, biyo nadiif ah, iyo adeegyada caafimaadka si loo caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha wabigu, waxa ka da'aaya dalka soomaaliya roobab laxaad leh kaas oo sababay fatahaadaha wabiyada.

Sidoo kale, magaalada muqadisho ee dalka somaaliya, waxaa shalay ka dhacay xaflad lagu furayay mashruuc lagu tababarayo dhallinyarada si ay u helaan xirfado shaqo abuur oo wax kaga badalan mustaqbalkooda nololeed. Mashruucan oo ay maalgelinayso hay'adda horumarinta caalamiga ah ee UNDP, ayaa lagu tababarayaa boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid gobollada dalka.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa xirfadaha farsamada gacanta, ganacsiga yar-yar, iyo tiknoolajiyadda iyo waxii al mida, si dhallinyarada loogu diyaariyo inay ka qaybqaataan kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada. Mas'uuliyiinta ka hadlay xafladda furitaanka ayaa sheegay in mashruucan uu fursad weyn u yahay dhallinyarada, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah, si ay u helaan xirfado iyo shaqooyin ay ku tiirsanaan karaan.

Wararkii shalay ka dhacay Soomaaliya ayaa muujinaya xaalado kala duwan oo isugu jira amni, gurmad bini'aadamnimo, iyo horumarinta dhallinyarada. Dhacdooyinkan ayaa hoosta ka xariiqaya caqabadaha iyo fursadaha horyaalla Soomaaliya, iyada oo ay muuqato baahida loo qabo in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, horumarka, iyo daryeelka bulshada. 

gabogabo

waxa aad si maalinle ah nooga helli doontaa dhamaan wararka ugu muhiimsan dalka iyo debadaba, wararka maalinlaha ah ee aan idiin soo gudbino waxay ka dhigan yihiin inaad la socotaan dhamaan xaalka guud dalka soomaaliya, hadaba si aad maalin walba aad u hesho warar sugan oo saxan fadlan foolw saar website-keenan sidoo kale nagala soco dhamaan baraha bulshada ee aan ku leenahay gaar ahaan youtube iyo facebook insha allaah.

Post a Comment

0Comments

Please Select Embedded Mode To show the Comment System.*