Khilaafka U Dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti

Amaano
By -
0


Bishii kowaad ee sanadkan 2024, Somaliland ayaa heshiis istiraatiiji ah la gashay Itoobiya dawlada somaliland, kaas oo ogolaaday in Itoobiya ay ka faa’iidaysato dekedaha iyo badda ay leedahay Somaliland halka somaaliland ay ku badalanayso aqoonsi. Heshiiskan ayaa keenay khilaaf siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay Somaliland iyo waddamada jaarka ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya. War kani maanta waxa uu daaran yahya inaan ku falanqayno falanqayn doonaa khilaafkan, sababaha uu ka dhashay, iyo saamaynta uu ku yeelan karo gobolka Geeska Afrika, waxa iska soo daba baxaaya warar sheegaya in ay jabuuti ay wado dadaalo ay ku jooji nayso heshiiskani. heshiiskani waa mid ay si weyn indhaha caalamku u eegayaan maadaama oo ayna wali heshiiskani ayna saxeexin wali.




Asalka Khilaafka:

       Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Heshiiskan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa saxiixay madaxda labada dal 1-dii Janaayo ee sanadkan. Heshiiskani oo ka dhacay gudaha dalka itoobiya u jeedka hiiskan ayaa ahaa in Itoobiya, oo ah dal aan badda lahayn, ay hesho marin biyood ama bad ay isticmaasho ganacsigeeda gudaha dalku, iyadoo adeegsanaysa dekedaha Berbera iyo Saylac ee Somaliland. Sidoo kale, heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya siinayo fursad ay ku maalgashato kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland, sida dekedaha, jidadka iyo tareenada.



Dadka ku dhaqan itoobiya waxa ay badeecadahooda ka helaan jabuuti waxyna usoo marta wado tareen, Hadaba maadaama oo ayna somaliland lahayn waddo tareen seey suurto gal ku noqonaysaa in ay etoobiya hesho badeecadaha usoo mara bada somaliland? Su'aashana ayaa ah mid ay isweydiinayaan dhamaan dadka isha ku haya heshiiskani inkastoy jirto wado isku xidha labada dal hadana waxay u barteen dadka ama ganacsatada etoobiya inay si dhakhsiya ah u helaan badeecadahooda intay ku xidhnaayeen jabuuti.

 Cadho Ka Timid Jabuuti iyo Soomaaliya

wararka ayaa sheegaya inay aad uga cadhooden heshiiskani labada dalalka ee jabuuti iyo soomaaliya, kuwaasi oo aad uga cadhooday in ay etoobiya yeelato bad ama laga kireeyo hadii la yidhaah jabuuti waxa ay galaysaa khasaare dhaqaale maxay soomaaliya galaysaa iyadu. Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeestay heshiiskan, iyagoo u arka inay Somaliland ku xadgudubtay madaxbannaanidooda iyo amniga gobolka. Jabuuti oo ay Itoobiya hore ugu isticmaali jirtay dekedaha ayaa dareentay in heshiiskan uu hoos u dhigi karo dhaqaalaha dekedaheeda, halka Soomaaliya ay u aragtay inuu sii xoojiyo aqoonsi raadinta Somaliland. Maalmihii un danbeeyay waxa aad loo hadal hayaa inuu dhamaanayo heshiiskani kaasi oo ay si wada jir ah u wada saxeexi doonaan MD, Muuse Biixi iyo Abey Axmed oo lagu saxeexi doono magaalo masdaxda itoobiya ee Addis 



 Xidhiidhka Diblomaasiyadeed

Waxa aad u sii xumaaday xidhiidhkii diblimansiyadeed ee ay lahaayeen dalalkani waxana sabab u ah heshiiskani cusub, Waxa la og yahay in soomaaliya ay si aada uga cadhootay heshiiskani taas oo ay ku macnaysay xadgudub caalami ah halka ay soomaaliland ay ku an dacoonayso inay tahay dal madaxbanaan oo ilaa 1960 xor ahaa walaw ay jireen mar ay heshiis dawladnimo ay wada haleen soomaaliya waqtigaasi hadana waxay ay dib ula soo noqdeen madaxbananidoodii sanadii 1990-kii.

Khilaafkan ayaa si weyn u dhaawacay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Somaliland iyo Jabuuti. Safaaradaha labada dhinac ayaa xidhmay, waxaana hakad galay dhammaan wada shaqayntii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada dal. Soomaaliya ayaa iyaduna soo saartay bayaan adag oo ay ku cambaareyneyso heshiiska, iyadoo ku hanjabtay in tallaabooyin adag laga qaadi doono Somaliland. Somaliland iyo itoobiya midna uma ay joojin walaaca ay muujiyeen labadan dawladood waxa ayna sii wataan sidii ay u dhamays tiri lahaayeen heshiiskani ay wada galeen labadan dawladood.

Dhinaca dhaqaalaha, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa laga yaabaa inuu faa’iido weyn u keeno Somaliland, iyada oo ay kordhi doonto maalgashiga iyo isticmaalka dekedaha. Si kastaba ha ahaatee, cadhada Jabuuti ayaa keeni karta in iskaashigii ganacsi ee labada dhinac uu yaraado. Amniga gobolka ayaa sidoo kale halis galay, iyadoo laga cabsi qabo in xiisadaha siyaasadeed ay isu bedelaan kuwo ciidan.

 Mawqifka Caalamka:

Caalamka ayaa aad arinkan ama heshiiskani ugu kala qaybsanaa qaarkood aad bay u soo dhaweeyeen halka qaarkoodna ay u arkaan heshiis khataar ku ah iyaga laftooda, Dawladaha aadka uga soo horjeestay wada ka mid ah massar, jabuuti, soomaaliya iyo qaar aan is cadayn laakiin waraaqo u soo diray itoobiya, Halka qaar badan oo kale ay aad usoo dhaweeyeen oo ay u arkaan mid wax badan ka qaban doona amaanka geeska africa. Itoobiya ayaa si buuxda u taageertay Somaliland, iyadoo sheegtay in heshiiskan uu yahay mid istiraatiiji ah oo faa’iido u leh labada dal. Addis Ababa ayaa sheegtay inay aqoonsan tahay madaxbannaanida Somaliland, taas oo sii hurisay xiisadaha ka dhex aloosan gobolka geeska.

 Beesha Caalamka

Beesha caalamka ayaa arrintan ka aamustay badankeedu , iyada oo dalalka reer galbeedka ay ku mashquulsan yihiin arrimo kale oo caalami ah sida dagaalada falastiin iyo yukrayn. Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa baaqyo nabadeed u diray dhinacyada kasoo horjeeda heshiiskani iyo kuwa raacsanba ay si habsami leh loo wado arinkan lana ilaaliyo xasiloonida gobolka, iyagoo ugu baaqay inay miiska wada hadalka ku soo noqdaan dalkan isku afdhaafay heshiiskan cusub ee ay wada galeen labada dal ee somaliland iyo itoobiya, Sida ayaa beesha caalamka sheegtay waxa ay ugu baaqday in ay dhinacyada isku haya heshiiskani ay si xasiloon uga wada hadlaan si nabadi ku dheehan tahay.

Dawlada itoobiya ayaa waxa ay waxa ay ka dhaadhicinaysaa in uu heshiiskani uu waafaqsan yahay shuruucaha caalamka sida ay ku sharaxeen waraaqo kasoo baxay dawlada fedderaalka ah ee itoobiya, Waxa ay si waadixa ay u sheegeen inay heshiiskan ay ku saxan yihiin waaayo waxay ku an dacoodeen dawlada somalia wax ay gacanta ku haysa ma jiro marka loo eego somaliland halka ay somaliland ay iyada maamusho badeeda iyo dhulkeeda oo ay lagama maarmaan tahay in somaliland lalagalo heshiis waxii ku sahabsan degaanada ay ka taliso.

warqada kasoo baxday toobiya ayaa sidan u qornayd;

"Hadii aanu nahay dawlada etoobiyo waxa aanu heshiis la galaynaa somaliland heshiiskani oo ah mid aan bad kaga kiraysanyno somaliland halka aan iyagana sidoo kale aan ugu badali doono aqoonsi aan dawlad madax banaan aan u aqoonsano, Hadaba anago oo ilaalinayna heerarka caalamiga ah waxa aan dawlada soomaaliya ugu baaqnay inanay heshiiskani ku ahyn iyada dhibaato soo gaadhay mana ogolin inaan soomaaliya soo gaadhsiino dhibaato, hase ahaate ay iyaga u arkaan dhibaato soo wajahday. Hadii aanu nahay dawlada itoobiya waxa aanu sugnaa AMMAANKA Dawlada soomaaliya boqlkiiba lixdan waxa aanu ugnaa amaanka gobolo badan oo ka mida dalka soomaaliya oo ayna anaga waxa faa'iido ahi noogu jirin anaga, Sidaasoy tahay in dawlada soomaaliya ay noo aragto cadaw waa wax aad laga xumaado."


Khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ayaa ah mid horseedi kara isbeddel weyn oo ku yimaadda siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika. Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa ah tallaabo istiraatiiji ah oo faa’iido u leh labada dal, laakiin waxaa loo baahan yahay in laga taxaddaro cawaaqibka ka dhalan kara. Xalka ugu wanaagsan ayaa ah in dhinacyada isku haya ay wada hadlaan oo ay gaadhaan heshiis waara oo ku salaysan iskaashi iyo nabadgelyo.

 Talooyin iyo Aragtiyo

Waxaa muhiim ah in Somaliland ay sii waddo wada hadalka iyo diblomaasiyadda si ay uga gudubto caqabadaha ka soo horjeeda heshiiskaan ay itoobiya la gashay. Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa iyaguna waxa looga baahan yahay inay ka fiirsadaan faa’iidooyinka iskaashi ee gobolka u yeelan karo geeska. Beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika, ayaa loo baahan yahay inay dhexdhexaadiso dhinacyada isku haya si loo gaaro xal nabadeed oo waara gessska africa.


Tags:

Post a Comment

0Comments

Please Select Embedded Mode To show the Comment System.*