Waxaa wali socda dagaalka u dhexeeya Ukraine ruushka, kaas oo muddo sanad iyo dheeraad ah socda. Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka halka ciidamada ruushkuna sheegayaan inay iyaguna gaadheen guulo, ukraine oo sheegatay dhul gaar ahaan gobolka Donetsk, halkaas oo ay dib uga qabsatay dhul ballaaran oo horey looga qabsaday. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa dalbaday taageero dheeraad ah oo caalami ah si loo xoojiyo difaaca dalkiisa.
Dhinaca kale, Ruushka ayaa sii wada weerarada cirka iyo kuwa dhulka oo uu ku beegsanaayo ciidamda ukraine iyo gobolon gaar ah oo ay ku jiraan ciidamada ukraine. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku amaanay hawsha ay hayaan ciidamada ruushka ee jiida hore ka dagaalamaaya waxa uuna ku adkeystay in hawlgallada milateri ay yihiin kuwa lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo amniga qarankiisa. Beesha caalamka ayaa weli ku baaqeysa in labada dhinac ay wadahadal nabadeed bilaabaan si loo soo afjaro colaadda.
Qalalaasaha Siyaasadeed ee Israel
Israel ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed oo adag kadib markii dagaalada lagula jiro xamaas ay sii xoogaysteen, Ra'iisul Wasaaraha, Benjamin Netanyahu, waxa uu ku dhawaaqay in uu kala dirayo baarlamaanka dalka, taas oo ka dambeysay khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya. Netanyahu ayaa sheegay in doorasho cusub lagu qaban doono Israel bisha October taas oo aad isha loogu hayo, isagoo ku eedeeyay mucaaradka in ay ka hor yimaadeen qorshayaashiisa siyaasadeed iyo dhaqaalaba.
Mucaaradka ayaa dhanka kale ku doodaya in Netanyahu uu sameynayo tallaabooyin aan aan haboonayn dhanka dimoqraadiya oo uu ku doonayo in uu ku sii xajisto xukunka. Arrintan ayaa keentay in shacabka Israel ay sameeyaan dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukuumadda Netanyahu in kastooy dadka ay u kala qaybsan yihiin, iyagoo dalbanaya isbedel siyaasadeed iyo xukuumad cusub.
Isbedelka Cimilada oo Dhaliyay Adduunka
Hay'adda Caalamiga ah ee Cimilada (IPCC) ayaa soo saartay warbixin cusub oo ka hadleysa saamaynta ay yeelatay isbedelka cimilada ee dunida, iyadoo digniin ka soo saartay in haddii aan tallaabooyin deg-deg ah la qaadin ay dhici karto dhibaato aan laga soo kabsan karin. Warbixinta ayaa sheegtay in heerkulka caalamka uu kor u kacay 1.5 darajo Celsius marka loo eego heerarkii hore ee kacaankii warshadaha, taas oo horseedi karta saameyn xun oo saamaysa deegaanka, caafimaadka, iyo dhaqaalaha aduunka.
IPCC ayaa ku baaqday in dowladaha caalamka ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo lagu yareynayo qiiqa wasakhda ee hawada lagu sii dayay gaar ahaan warshadaha, iyadoo sidoo kale la dhiirrigelinayo isticmaalka tamarta nadiifka ah iyo wax-soo-saarka cagaaran sida cadceeda iyo hawad. Dalalka horumaray ayaa lagu booriyay in ay taageero dhaqaale iyo farsamo siiyaan kuwa saboolka ah si ay ugu awoodaan in ay la qabsadaan saameynta isbedelka cimilada ee saamaysay dhamaan dunida.
Kacdoonka Dadweynaha ee France
France ayaa wajahaya kacdoon dadweyne oo xooggan markiiay dowlada ay ku dhawaaqday in ay kordhin doonto dhamaan canshuuraha dakhliga sare leh. Dadweynaha France ayaa si weyn uga caroodey qorshahan cusub gaar ahaan ganacsatada, iyagoo sheegay in uu sii kordhin doono cadaalad darrada dhaqaale ee ka jirta dalka france. Dibadbaxyo waaweyn ayaa ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Paris iyo Marseille, kuwaas oo ay samaynayaan dad cadhaysani booliiskuna ay adeegsadeen biyo-dhaca iyo sunta dadka ka ilmeysisa si ay ukala eryaan mudaharaadayaasha isugu soo baxay laamiyada dalka frace.
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku adkeysanaya in tallaabadan ay lagama maarmaan u tahay si loo dhimo deynta qaranka iyo in loo helo miisaaniyad dheeli tiran dalka. Hase yeeshee, mucaaradka iyo ururada shaqaalaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dibadbaxyada ilaa laga laalo qorshahan cusub, iyagoo ku baaqay in la sameeyo nidaam canshuureed oo cadaalad ah oo aan ku tiirsaneyn dadka danyarta ah.
Koritaanka Dhaqaalaha Shiinaha
Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay in dhaqaaluhu uu kordhay 6.3% intii lagu jiray rubuca labaad ee sanadkan haynu ku jiro, taas oo muujineysa kobac dhaqaale oo xooggan inkastoo ay jiraan caqabado badan oo dhinaca ganacsiga caalamka ah. Koritaanka dhaqaale ee Shiinaha ayaa waxaa taageeray isticmaalka gudaha oo kordhay iyo maal-gashiga dowladda ee mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha saas awgeed ayuu kor ugu kacay dhaqaalaha dalku.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa ka digaya in Shiinaha uu wajahayo caqabado dhinaca dhaqaalaha ah oo ay ka mid yihiin sicir-bararka, deymaha gudaha ee kordhaya, iyo xiisadaha ganacsi ee kala dhexeeya Mareykanka. Dawlada shiinaha ayaa waxaasi ku tilmaantay waxba kama jiraan, dowladda Shiinaha ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonto dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta ganacsiga si loo gaaro koboc waara oo dheeraad ah walaw uu koraayo dhaqaalahoodu haatan marka loo eego sannadadii lasoo dhaafay gudah dalka shiinaha.
Gabagabada warkeena maanta
dhaman wararka aan kor kagasoo waranay ayaa muujinaya xaalado kala duwan oo saameyn ku leh nolosha dadweynaha caalamka. Dagaalka Ruushka iyo Ukraine, isbedelka cimilada, dagaalada israel, kacdoonka dadweynaha ee France, iyo koritaanka dhaqaalaha Shiinaha ayaa dhammaantood ah arrimo muhiim ah oo u baahan in si dhow loo la socdo dhaamtood. Waxaa la sugayaa in hoggaamiyeyaasha caalamka ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xalliyo dhibaatooyinkan, si loo helo adduun nabad iyo barwaaqo ku naaloonaya.
Wararka maalinlaha ah ee aanu soo gudbino si aad ula socoto fadlan nagala soco dhamaan social media-ha aan ku leenahay sida facebook youtube iyo websit-keenanba.
Post a Comment
0Comments